|
Gaadiid iyo Ciidan Bariga Sanaag oo ka goostay Somaliland
Jul 29, 2010
Ceerigaabo(Riinjinews) Qaar ka mid ah ciidanka Somaliland ee fadhigoodu yahay degaannada Bariga Sanaag (Dhahar) oo watey Shan baabuur oo isugu jira afar baabuurta yaryar (Teknikada) iyo hal baabuur weyn (Xammuul) ayaa ka goostey, halkaas oo sida wararka aannu degaannadaas ka helnay xaqiijiyeen ciidankan iyo gaadiidkoodiiba galeen gudaha Puntland.
Gaadiidka lala goostay oo ka kooban shan gaadhi (afar yaryar iyo hal xammuul ahi) waxay galeen dhinaca Puntland, waxana ciidankan iyo gaadiidkan la goostay taliyihii guutada deggan Dhahar (Halac) iyo nin layidhaahdo C/Jamaal". Sidaas waxa yidhi Xuseen-dheere Taliyaha guutada 93-aad C/Qaranka oo ka mid ah ciidammada qaranka ee fadhigoodu yahay Bariga Sanaag oo aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay
|