C/llahi Cadow oo ahaa musharrixii madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkii 2004, horeyna safiir uga soo noqday dalka Mareykanka, ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu uga hadlayo xaaladda dalka Soomaaliya siiyey VOA. Halkan ka dhageyso waraysigaas oo dhan.
Cadow, oo marna ahaan wasiir ganacsiga ee dowladdii Max'ed Siyaad Barre, ayaa sheegay in xaalka Soomaaliya uu marayo meeshii ugu xumeyd. Wuxuu sheegay in xasuuq ba'an uu ka dhacay Muqdisho, iyadoo eey ugu yaraan hal milyan oo qof eey ka qaxeen caasimadda.
Yaa ka masuul ah dhibaatada?
Cadow, oo in badan degganaa dalka Mareykanka, ayaa sheegay in dhibaatada ka dhacday Soomaaliya, gaar ahaan waxa uu ku sifeeyey xadgudubyada, eey masuuliyaddeeda dhabarka u ridanayaan madaxda ugu sarreysa ee dowladda, oo uu ka sheegay madaxweynaha, ra'iisul wasaarihii hore iyo guddoomiyaha barlamaanka.
Wuxuu kaloo Cadow qiray in kooxaha kacdoonka ka wada muqdisho eeysan ka marneyn dhibaatada dhacday.
Maxaa xal ah?
Cadow ayaa soo jeediyey laba xal:
1. In dowladdu eey sameyso gurmad bani'aadanimo oo baaxad weyn oo lagu gargaarayo dadka ka soo barakacay Muqdisho ee daadsan waddada Afgooye.
2. In dib loo yagleelo geeddi socodka nabadda iyo dibu-heshiisiinta, lana soo dabbaalo mucaaradka gudaha iyo dibadda, gaar ahaan Isbaheysiga Dibu Xoreynta ee saldhiggiisu yahay Asmara.
Cadow wuxuu sheegay ineey Soomaaliya ka gudubtay xilligii xoogga iyo muquuninta.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Cadow wuxuu sheegay inaan la isaga dhegganaan in ciidamada Itoobiya dalka laga saaro, ee taas lagu beddelo in ciidamada dhexdhexaad ah la keeno, taas oo loo marayo beesha caalamka.
Wareysigaas xiisaha badan leh halkan ka dhageyso.