Qaar kamid ah Soomaalida Mareykanka ayaa Isniintii (Jan. 14, 08) ku bannaanbaxay wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland, Dahir Riyaale Kahin, oo imminka ku sugan Washington.
Soomaalidan ayaa sheegay ineey ka dhiidhinayaan waxa eey ugu yeereen kala goynta Soomaaliya, oo eey sheegeen in maamulka Somaliland uu damacsan yahay.
Dadka bannaanbaxan kasoo qeyb galay qaarkood ayaa kasoo kicitimay gobollo Mareykanka ku yaalla oo aad uga fog caasimadda Washington.
Madaxweyne Dahir Riyale Kahin iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa muddo dhowr maalmood ah ku sugan magaalada Washington, iyadoo sida la sheegay wada hadallo la leh madax ka tirsan dowladda Mareykanka.