Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

 
Madaxweyne Yusuf oo Waraysi Gaar ah Siiyey VOA


05-December-2007
Waraysiga Yusuf - Download audio clip
Dhegayso Waraysiga Yusuf audio clip

Madaxweynaha Soomaaliya, C/llahi Yusuf, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey VOA ku sheegay in xaaladdiisa caafimaad eeysan aheyn sida loo buunbuuninayo. Hadalkaas ayaa madaxweynaha ka soo yeeray maalin kadib markii loola cararay isbitaal ku yaalla Nairobi.

Madaxweyne Yusuf ayaa sheegay inuu isbitaalka u tagay inuu isa soo baaro, isla markaana uu u gudbi doono magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu joogo dhakhtarkii beerka ka beddelay 10 sano kahor.

'Mucaaradka lama hadlayno'

Madaxweyne Yusuf ayaa sheegay in dowladdiisu eeysan la hadleyn kooxaha mucaaradka ah, "jeer eey hubka dhigaan," ayuu yiri Yusuf.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu ra'iisul wasaare Nuur Cadde isna VOA u sheegay inuu muhimmada koobaad siinayo inuu la hadlo mucaaradka dowladda.

 

emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub

  Warka kale ee VOA