Wararka
Faalooyinka
Sheekooyinka
Gabayada
Tacsiyada
Tahniyada
Nala Soo Xidhiidh
Login

Horgaladii Somaliland oo qawaday saamiga iyo Xilalka Maamulka Cusub ee Siilaanyo

 Jul 29, 2010
Hargeysa(Riinjinews):-Wararka hoose ee nuuxnuuxda ee Hargeysa yaala maanta ayaa waxay yihiin ana kuma jiro beel heblana badh baa ka maqan

Oday Siilaanyo ayaa shalay ku dhawaaqay Golihiisa wasiirada kadib markii ay beelo iyo shaqsiyaad badan iska waayeen ayaa waxaa saaka soo baxay goddaloolooyin badan oo ay tirsanayaa Beelo iyo shaqsiyaad iyagu isku wadey in ay mudnaayeen oo Odaygu ka dulboodey. Hindida Gobolada SSC ee u qadhaaq tagtey Maamulka Siilaanyo ayaa waxaa la siiyey Labo wasiir iyo W/kuxigeen,1.Cabdirisaaq Ibraahin maxamed – Wasiirka Boosaha & Isgaadhsiinta wuxuu ahaa Qurbo joog ganacsi ku leh magalada Laascaanood sida Hotelka ATAASH wuxuuna wasiirka ku helay lacag badan oo uu bixiyey xiligii Siilaanyo waday Ololihii Doorashooyinka,Wasiir Ataash ayaa isagu si cad u diidey xilkan ama wasaaradan loo magacaabay wuxuuna sheegay in uu ahaa raggi dhaqaalaha ugu badan ku bixiyey Olalihii Siilaanyo isla markaan aan beel ahaan saamigoodii la siin. 2.Cabdirisaaq Khaliif Axmed – Wasiirka Ganacsiga & Dalxiiska wuxuu ahaa Wakiilkii Xawalada Amal ee Magaalada Hargeysa wuxuuna lacag aan la soo koobi karin ku galay Ololalihii Siilaanyo lagu soo saarayey,waxaana lacagtaasi laga lahaa xafiiska Amal ee Hargeysa, Cabdi Khalif ayaa isagu shaqsiyan ku qanacsan jagadiisa balse wuxuu la qabaa in aysan helin saamigii beel ahaan ama horgalo ahaan, Cabdi Khalif waa nin xidhiidh la leh kooxo kala duwan sida SSC Iyo qolaha wadaada. Cismaan Garaad Soofe Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha,wuxuu ahaa nin caan ah oo reer Garaad Soofe ka soo jeeda sharaf iyo karaamana ku lahaa beelaha SSC balse maanta ayuu shaadhkii Mansabka reer soofe dhiga, Cismaan Garaad Soofe waa nin nacagsade ah oo dawooyinka ka ganacsada wuxuu leeyahay Pharmacyda ugu wa wayn LA,sidoo kale Odayg Osman ayaan u qalmin jagadan loo magacaabay isagoo quudaraynayey Wasiir iyo horgalnima ka saraysa oo uu ku ilaawo Mansabkii Reer Garaad iyo Ganacsigiisa. Isku so wada duubo Siilaanyo ayaa durtaba dhina awrkii uga dheeliyey in uu dib u dheeli tiri doono iyo in awrkaba reeryada laga dhigo ayaa laga yaaba. FIKIRKAAGA KU SOO DIR riinjinews@yahoo.com I

 
 


Riinji Top New
Wararkii ugu dambeeyey:
Hambalyo iyo Ciid wanaagsan 
HAMBALYADA CIIDKA 
Sawirka maanta waa Laascaanood ay ku hardamayaan Hogaanka SSC Iyo Maamulka Somaliland 
Laascaanoood oo Siwayn looga dareemayo u Diyaar garowga Maalinta Ciidul Fidrida 
Maalinta Jimcaha oo beri ayaa Islaamku isku raacay in ay tahay Ciid