|
Warar Hor leh oo ka soo baxay Qaraxii ka dhacay Hotalka Xamdi.(Warbixin Xasaasi
Feb 08, 2010
10Mar aan aanu xidhiidh kala duwan la samaynay Masuuliyiin ka tirsan maamulka hada ka talaya magaalada lascanod, ayaa waxay noo sheegeen in qaraxii ka dhacay magaalada Lascanood taariikhu markay ahayd 03/02/2010 in uu ahaa mid laga soo shaqeeyay, balse ma aysan carabaabin cida soo abaabushay.
Dhinaca kale wararku waxay sheegayaan in ninka qarxay uu ka tirsanaa Ciidamo loo soo tababaray Maamulka Somaliland kuna takhasusay sida loodhigo loona fur-furo waxyaalaha qarxa, tabarkoodana ku soo qaatay mudo sannad ku dhawaad ah xerro ciidan ku taalada duleedka Addisababa.
Mar aanu xidhiidh Hoose la samaynay dad goobjoog ahaa ayay noo sheegeen in uu ahaa qorshe ay soo abaabuleen maamulka Riyaale iyo Horgalada ku sugan Hotel Xamdi, sababta oo ah “Haddii qofkaasi ku soo talagalay inuu qarxiyo ma uusan qaateen wax cadaynaya qofka uu yahay, ninkaasna waxaa laga helay warqado uu xawaalado lacag kaga qaatay iyo bidaaqadaha taleefonka gacanta (Sim-card)” midkale isla markiiba waxay billaabeen innay maydka jeebabkiisa baadhaan si cabsi la’aan ah, iyaga oo wax cabsi iyo taxadar toona ka muuqan taasi oo ku tusaysa in qorshuhu ahaa mid dheer oo laga soo shaqeeyay.
Magaalada Lascanood.
Xaalada magaalada lascanood ayaa ah mid mugdi gashay, ayada howshan ay fulinayaan qaar ka mid ciidamada SNM iyo Daahir Riyaale oo ka dhigay magaalada in aysan wax isgaadhsiin ka jarin.
Tan iyo intii ay yimaadeen Magaalada Horgalada SSC iyo Wasiiro ka soo jeeda Burco iyo Hargaysa ayaa waxay isku dayeen innay indhaha dadka ka leexiyaan waxa dhacaya magaalada lascanood iyaga oo garabsanaya sirdoonka itoobiya unna tusaya dhibka ay iyagu sababteeda leeyihiin in ay ka dabeeyaan Al-shabaab iyo dadka koonfur ka yimid arintaasina ay tahay mid aan waxba ka jirin, waayo dadka la xidh-xidhayo iyo kuwa la dhibaataynayo ku qaxaya dhamaantood waa reer Sool, Waxaasi si waydiin mudan ma reer Sool ayaa la siiyay dhalasho koonfureed mise markii horeba dhoofbay ku yimaadeen ee ummaba dhalan.
Sirdoonka Itoobiya
Sirdoonka Itoobiya ayaa waxuu amar ku siiyay Jabhada SNM innay damiyaan isagaasiinta gobolka siiba Mobilada iyo Internet maalmihii ugu danbeeyay, si ay fuliyaan howsha ay u yimaadeen magaalada Lascanood oo ah innay meesha ka saaraan Taliyihii hore sirdoonka maamulka la baxay Somaliland ee gobolka Sool C/fitaax Muuse Yuusuf oo isagu dhashay gobolka Sool. Waan ku guulaysteen arinkaas ayaga oo tusaya ciidamada Somaliland in cadow ka weyn joogo lascanod si looga qariyo C/fitaax Muuse Yuusuf oo haya sir aad iyo aad u culus oo keeni karta in Daahir Riyaale uu ku waayo kursiga doorashada soo socota, sidaa darteedna loogu soo gubiyay Gobolka Saaxil magaalada Berbera, isaga oo lagu waddo Dalka Jabuuti.
Dilkii Col. Cisman Nuur {Af-dhilo}
Qorshaha Cusub ee ka yimid Hargaysa ayaa ahaa mid lagu badbaadinaya Daahir Riyaale oo ku maqanyahay Col. Cismaan Nuur (Af-dhilo) oo runtii diiday amaro badan oo uu soo jeediy Daahir Riyaale, Sidaasna lagu qaarajiya isaga oo adeegsanaya rag uu ka midahaa Taliyihii hore ee sirdoonka maamulka la baxay Somaliland ee gobolka Sool C/fitaax Muuse Yuusuf oo isagu haya sir badan ay mid tahay dilkii Col cismaan Nuur Af-dhilo.
Reerka uu ka soo jeedo Col cismaan Nuur
Waxaa illaa hada aan war laga hayn waxay fulin karaan reerka uu ka soo jeedo Col. Cismaan Nuur Af-dhilo, iyada illaa hada aan maamulku uusan u bixin, uun sheegin cida ka danbeeysay dhilkaas, balse markii loo qabtay Taliyihii sirdoonka maamulka la baxay Somaliland ee gobolka Sool C/fitaax Muuse Yuusuf ayay niyada u dagtay balse maanta uun bay cadaatay cidn ka dabaysa dilkaas.(Madaxtooyada Hargaysa)
Maxamed Siyaad Faarax-(Kabaweyne) Hargaysa (Wariye Madaxbanaan)
|