|
Raafkii ugu waynaa oo saaka ka socda Boosaaso to Konfurta Gaalkacayo
Jul 21, 2010
Dhawaan ayayey ahayd markii Wasiirka Aminga Puntland General Yuusuf Ahmed Kheyr uu shaaca ka qaaday in dadka aan u dhalan Puntland laga saarayo magaalada Boosaaso laguna celinayo meelihii ay ka yimaadeen.
Magaalooyinka hoos yimaada Maamulka Faroole ayaa waxaa laga raafay dhammaan Somalida ka soo jeeda deegaanka Koonfurta dadkan ayaa laga qaadayaa Puntlland inta loo xiiro ayaa lagu daadinayaa Koonfurta Gaakacayo.
Sidoo kale howlgaladan ay wadaan ciidamada amaanka ayay cabasho ka muujiyeen Haween ku kala sugan xaafadaha boosaaso kuwaasoo sheegay in ragoodii u shaqayn jiray Ay ku jiraan kuwii qabqabashada loo gaystay ay haatana ku sugan yihiin xaalado nolol Xumo oo soo wajahday caruurtooda ka gadaal markii ay meesha ka baxday biilkii ay ka Heli jireen ragooda la qabqabtay.
Ugu danbayntii howlgaladan ay wadaan ciidamada amaanka ayaan la ogayn waqtiga la Soo afjarayo iyadoo warar la xaqiijiyayna ay sheegayaan in dadkii ay qabteen ciidamada Loo safriyay xuduuda puntland ee magaalada Gaalkacyo.
|